Wenger oo sanado kale sii joogi doona Arsenal & Sanchez iyo Ozil oo wali arintooda la xalin

Wenger oo sanado kale sii joogi doona Arsenal & Sanchez iyo Ozil oo wali arintooda la xalin

Tababaraha Arsenal ee cadaadiska badan saaranyahay ee Wenger, ayaa lasoo warinayaa inuu doonayo inuu sanado kale sii joogo Emirates xitaa hadii Arsenal sanadaan usoo bixi weydo Champion League.

Kadib Guuldaradii isbuucaan kooxdiisa kazoo gaartay West Brom Wenger ayaa sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono go’aanka inuu sii joogayo in kale, ayaa wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya waxeey sheegaya inuu go’aansaday inuu sii joogo Heshiis cusubna qalinka ku duugo.

Dhinaca kale waxaan wali ka cadeyn mustaqbalka xidigaha Ozil iyo Sanchez kuwaasoo diiday ineey qandaraaska u kordhiyaan Arsenal, waxaana heshiiskooda ka harsan sanad iyo Bilooyin.

Xidiga reer Germany Ozil ayaa maalmihii lasoo dhaafay tababarka la qaadanayay kooxda balse ma uusan kazoo muuqan 3dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Arsenal Ciyaarto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.