Mareykanka oo ka hadlay magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia

Mareykanka oo ka hadlay magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweysay Magacaabistii Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ee uu shalay ku dhawaaqay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

War lagu baahiyay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay horay u qaaday muddo kooban horumar la taaban karo.

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay tahay magacaabistii uu sameyay Ra’iisulwasaare Kheyre  in ay  tilaabo cad u tahay midnimada iyo sidoo kale hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa Carabka ku adkeysay in ay sii wadi doono taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.