Lukaku oo ku guuleystay Xidiga Bisha Maarso

Lukaku oo ku guuleystay Xidiga Bisha Maarso

Weeraryahanka kooxda Everton Romelu Lukaku ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishaan Maarso isagoo abaalmarintaan ka qaaday xiddigo dhowr ah.

Lukaku ayaa seddex kulan uu Everton u ciyaaray waxa uu dhaliyay afar gool, isagoo caawiye ka ahaa labo gool kale taasoo ka dhigtay in loogu codeeyo xiddigii ugu fiicnaa Premier League bishaan.

Lukaku waxa uu abaalmarinta ka qaaday goolhayaha Bournemouth Artur Boruc iyo saaxiibkiisa kooxda Joshua King, waxa uu sidoo kale ka qaaday abaalmarintaan xiddiga Southampton Nathan Redmond, daafaca amaahda ku jooga Crystal Palace Mamadou Sakho iyo xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum.

Abaalmarintaan waxaa u codeeyay taageerayaasha Premier League, quburo si qaas ah loo soo xulay iyo weliba kabtanada kooxaha ka ciyaara horyaalka Ingariiska.

Lukaku oo la filayo inuu xagaagan isaga tago Everton ka dib markii uu sheegay inaysan kooxda hami weyn laheyn ayaa ku jira haatan qaab ciyaareed wanaagsan isagoo sidoo kale tartan xoog leh ugu jira inuu hanto kabta dahabka ee Premier League xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.