XOG CUSUB: Yuu Madaxweyne Farmaajo u wadaa Safiirka Somalia ee Mareykanka ???

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku guda jira dadaalka isbedelka loogu sameynaayo Safiirada Somalia u fadhiya Caalamka.

Madaxweynaha Somalia ayaa wada qorsho uu Safaaradaha qaar ugu magacaabaayo Wasiiro hore oo xilal kasoo qabtay Dowladihii ay hogaaminayeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh kuwaa oo qaar iminka gudbiyay arjiyadooda.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia ayaa sheegaya in Shaqsiyaadka laga qabtay Arjiyada uu kamid yahay Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somalia Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Hadliye ayaa la soo warinayaa inuu ololo ugu jiro Safaarada Somalia ee dalka Mareykanka, isagoo xusul duub ugu jira in lagu bedelo Safiirka dalkaasi u fadhiya Somalia, sida aan xogta ku heleyno.

Safaarada Somalia ee dalka Mareykanka ayaa sidoo kale la sheegay in Hadliye uu kula tartamaayo shaqsi kale oo isna la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Somalia.

Lama saadaalin karo inta ay gaarsiisan tahay rajada uu Hadliye ka qabo in xilka Safiirnimo loo magacaabo, waxaana sidoo kale suuragal ah in loo magacaabo Safaarad kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.