Hubaal Neymar wuu seegi doonaa El Clasico

Hubaal Neymar wuu seegi doonaa El Clasico

Kadib guul-darradii xanuunka badneyn ee Barcelona ka soo gaartay Malaga,kooxda Luis Enrique ayaa kullanka El Clasico ee 23-ka bishan April waayi karta adeegga laacibkeeda Neymar.

Garsoorihii cayaarta ayaa wiilkan reer Brazil ku abaal-mariyay labo”2″ Jaalle, kadibna waxaa loo sii raaciyay kaarka CAS,taasoo ka dhiggan inuu sharci ahaan ku seegi doono kullanka soo socda ee Real Sociedad.

Marka intaasi laga ssoo tego,Neymar ayaa lagu eedeeyay inuu si jees-jees ah ugu sacbiyay garsooraha 4-aad,kahor intii aannu u sii gudbin qolka dhar-baddelashada,waana sababta uu ganaax dheeraad ah u gala kulmi karo guddida anshaxa ee horyaalka Spain oo haddaba dood ka leh dhacdadan.

Warbixin uu ciyaarta ka diyaariyay garsoore Gil Manzano ayaa lagu yiri”  Kadib markii garoonka laga saaray Neymar Da Silva Santos J oo ka tirsan Barcelona waxaa uu si aan fiicneyn ugu sacbiyay garsooraha 4-aad ee ciyaarta”.

TUSAALLE: Sofiane Feghouli oo ka tirsanaa kooxda Valencia ayaa sida Neymar oo kale ugu sacbiyay garoosaraha 4-aad kadib markii uu qaatay kaarka gaduudan, ciyaar ay kooxdiisa wajahday Real Zaragoza, sanaddii 2012-kii,waxaana la ganaaxay saddex “3” kullan oo xiriir ahaa.

Guddiga anshaxa ee La Liga-ha ayaa leh awoodda kama dambeysta ah ee haddii Neymar lagu soo oogayo dacwad iyo in kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.