DAAWO SAWIRADA: Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Warshadda Nacnaca

DAAWO SAWIRADA: Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Warshadda Nacnaca

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya ruux xirnaa tuutaha ciidamada Militariga Somaliya inuu isku qarxiyay Xerada ciidanka ee General Dhaga badan loo bixiyay ee Warshadii hore ee Nac naca Degmada Wadajir.

Ninkaan ayaa la sheegay inuu si toos ah u galay xerada, maadaama uu xirnaa tuutaha ciidamada Militariga Somaliya, waxaana askarta ay moodeen askari ka tirsan xooga dalka Somaliya oo ka mid ah ciidanka tababarka uga socda Xerada.

Ninkaan ayaa la sheegay gudaha xerada inuu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen ciidamo iyo Saraakiil, waxaana jira Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray ciidamada.

Saraakiisha Militariga ayaa baaraya sida ay ugu suuragashay ninkaasi inuu soo galo xerada ciidamada.

5 Askari ayaa ku dhimatay 10 Kalena waa ay ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Warshaddii hore ee Nacnaca Degmada Wadajir.

Waa qaraxii labaad ee ka dhaca Magaalada Muqdisho tan iyo Saakii, maadaama saaka Muqdisho uu ka dhacay qarax gaarigiisa loogu xiray masuul ka tirsanaa Wasaarada Waxbarashada Somaliya, kaasi oo u geeriyooday qaraxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.