War u roon dhagaha taageerayaasha Arsenal: Ozil oo ogolaaday inuu qandaraas cusub saxiixo

War u roon dhagaha taageerayaasha Arsenal: Ozil oo ogolaaday inuu qandaraas cusub saxiixo

Mesut Özil oo heshiiskiisa Arsenal dhacayo sanadkii 2018 ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda heshiis cusubna u saxiixo isaga oo waliba mushahar fiican loo qori doono.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddigan mushahar ahaan u siin doonto 250 Milyan oo Gini xilli uu haatan kooxda ka qaato 140 Milyan oo Gini.

Xiddigan ayaa dalabyo fiican ka helay kooxo badan oo horyaalka dhexdiisa iyo dibadiisa kuwaas oo ay ku doonayaan kooxo waaweyn oo reer yurub ah.

Laakiin warkan ayaa ah mid ay ku farxi doonaan taageerayaasha Arsenal maadama uu xiddigan reer Germany ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kooxda

Leave a Reply

Your email address will not be published.