Dybala: Waa qasab inaan cashiro ka barano qaladaadkii PSG

Dybala: Waa qasab inaan cashiro ka barano qaladaadkii PSG

Sadex Gool oo ay Torino kaga soo adkaadeen la micno maahan ineey usoo baxeen wareega afar dhamaadka Champion League, sida uu aaminsanyahay weeraryahanka Juventus Paulo Dybala.

Dybala ayaa saaxiibadiis u sheegay ineey cashir ka bartaan qaladaadkii ay PSG gashay markii ay booqatay CAMP Nou iyadoo lugtii hore kusoo adkaatay 4-0.

PSG ayaa u muuqatay mid is dhigatay qalbigana gashatay ineey kazoo baxeen Barcelona, balse wax walbo waxeey is badaleen mucjisana dhacday markii Camp Nou lagu garaacay 6-1.

“Waa inaan cashir ka baranaa wixii ku dhacay PSG” ayuu Dybala u sheegay saaxiibadiis kahor kulanka Habeen dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.