Real 4 Bayern 2: C.ronaldo oo sadexleey Real ugu diray Semi-Finalka+Sawiro

Real 4 Bayern 2: C.ronaldo oo sadexleey Real ugu diray Semi-Finalka+Sawiro

Xidiga reer PortugalC.ronaldo ayaa Kooxdiisa Real Madrid caawa lugtiisa ugu soo saaray afardhamaadka Champion League, kadib markii uu 3 Gool ka dhaliyay Bayern, halka Goolka afaraadna uu Real u saxiixay Assensio.

Bayern ayaa Goolka la hormartay waxaana u saxiixay xidigooda Robert Lewandowski, kaasoo dhaliyay Rigooro lagu galay Robben.

C.ronaldo ayaa markaas kadib Gool madaxa ugu barbareeyay Real isla isaga ayaana sii raacsaday Midka 2-aad iyo 3aad, halka xidiga da’da yare e ASSENSIO uu kusoo qatimay Goolka 4aad ee xasiloonida siiyay Real Madrid.

Bayern ayaa ciyaarta ku dhameeysatay 10 ciyaryahan markii daqiiqadii 84aad uu calaamada Roosaha ka qaatay Vidal, kaasoo loo taagay digniinti 2-aad.

Waqtigii loogu tala galay ayaa kusoo idlaaday 2-1 oo ay Bayern ku hogaamineyso, taasoo ciyaarta u dirtay in lagu daro waqti dheeraad ah maadaama cel celis ahaan labada dhinac ay noqotay 2-2.

Ronaldo ayaa daqiiqadii 104 Real u dhaliyay Goolkiisa 2-aad, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 2-2, sidoo kale waxyar kadib daqiiqadii 109 ayuu sii raacsaday Goolka sadexaad, kaasoo ka dhignaa inuu gaaray Goolkiisi 100-aad ee uu ka dhaliyo Champion League.

Xidigada’da yare e Assensio ayaa daqiiqadii 111-aad Real u dhaliyay Goolka 4aad, kaasoo ciyaarta ka dhigay 4-2, waxaana celcelis ahaan Real ay kusoo baxday 6-3.

Leave a Reply

Your email address will not be published.