Lewandowski, Thiago &Vidal oo qolkiisa ugu tegay Garsoorihii xalay ku jiiftay, Maxeey ku yiraahdeen?

Lewandowski, Thiago &Vidal oo qolkiisa ugu tegay Garsoorihii xalay ku jiiftay, Maxeey ku yiraahdeen?

Kadib markii ay soo idlaatay ciyaartii xalay dhexmartay Bayern Munich iyo Real Madrid, ayaa sadex kamid ah ciyaartoyda Bayern waxeey qolkiisa ugu tageen Garsoorihii ciyaartaas dhexdhexaadinayay Viktor Kassai, kaasoo si muran badan kujiro u dhexdhexaadiyay Kulankaas.

Viktor Kassai, ayaa Rooso aan sax ahayn siiyay Vidal, sidoo kale wuxuu ansixiyay 2 Gool oo Affside ahaa oo uu Ronaldo dhaliyay, sidoo kale Garsoore Viktor Kassai waxaa lagu haystaa inuusan Rooso siinin xidiga Real Madrid Casemiro kaasoo isagoo calaamada digniinta qabo xerada ganaaxa ku jilaafeeyay Robben islamarkaasna mudnaa in karaka cas loo taago ciyaartana laga saaro.

Robert Lewandowski, Thiago Alcantara, & Arturo Vidal oo ay carro xoogan ka muuqatay ayaa khadka cagaaran ka gudbay iyagoo si toos ah u aaday qolkii uu deganaa Garsooraha una sheegay inuu qabtay shaqo wanaagsan oo iyaga ka dhan ahayd Real Madridna dan ugu jirtay.

Sadexdaan xidig ayaa sida muuqata wajihi kara in la ganaaxo maadaama ay ka talaabeen khad cagaaran oo aan loo ogoleen in ciyaaryahan sameeyo.

Sidoo kale macalinka Real Madrid Zidane, ayaa qiray in Goolkii 2-aad ee C.ronaldo uu ahaa Offside.

Leave a Reply

Your email address will not be published.