Wiilka Vidal oo aabihiis ku qasbay inuu la kulansiiyo Cr7 & Bale

Wiilka Vidal oo aabihiis ku qasbay inuu la kulansiiyo Cr7 & Bale

Kadib markii ay soo dhamaatay ciyaartii lugtii 1-aad ee ka dhacday Arena ee dhex martay Real Madrid iyo Bayern Munich, wiilka Arturo Vidal ayaa aabihiis ka codsaday inuu u geeyo lana kulansiiyo qaar kamid ah xidigaha Real Madrid.

Vidal ayaa markaas wiilkiisa yar u kaxeeyay dhanka qolka dharbadalashada ee ay ku sugnaayeen xidigaha Real Madrid.

Vidal ayaa wadada kula kulmay xidiga Morata oo mar ay kuwada sugnaayeen Juventus, waxaana is marxabeen kadib uu ka codsaday inuu wiilka u wado lana soo kulansiiyo C.ronaldo iyo xidigaha kale.

Morata ayaa intaas kadib kaxeeyay wiilka Vidal wuxuuna u geeyay Bale iyo C.ronaldo isagoo halkaas sawiro xasuus ah kula soo galay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.