Buffon oo wali sii wata Rikoor u gaar ah ( 180 daqiiqo ayuu MSN shabaqiisa ka ilaashaday)

Buffon oo wali sii wata Rikoor u gaar ah ( 180 daqiiqo ayuu MSN shabaqiisa ka ilaashaday)

Goolhayaha Rugcadaga ah ee Juventus Buffon, ayaa labadii lug uu kahor imaaday MSN oo ah weerarka dunida ugu qatarsan ka ilaashaday shabaqiisa, Wuxuu ahaa darbi weyn oo laga dhisay magaalada Turin ee dalka talyaaniga markii ugu horeysay oo ay ku guuldareysteen iney shabaqiisa taabtaan kulan 3-0 ku dhamaaday oo dhacay isbuucii lasoo dhaafay.

MSN AYAA KU FASHILMAY iney dhaafaan Giorgio Chiellini, Leonardo Bonucci, Andrea Barzagli & kabtan Buffon kuwaasoo lagu amaani karo bandhigoodii xalay.

“Uma maleynayo inaan ku fakarayay inaan fursad fiican u heysanay inaan u gudubno kadib guushii (3-0) ee lugta hore, balse sida daacadda ah ma aaminsaneen inaan Camp Nou inta imaano shabaqa difaacan karno. marka aad wajaheyso koox sidaan oo kale ah oo leh dooqa weerar, waxaad ku fakareysaa in hal ama laba gool lagaa dhalinayo” ayuu yiri Gigi Buffon.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.