Chelsea oo wada dooneysa 3 xidig oo Monaco Muhiim ka ah

Chelsea oo wada dooneysa 3 xidig oo Monaco Muhiim ka ah

Macalinka Chelsea Antonio Conte ayaa doonaya inuu wajiyo cusub kusoo kordhiyo kooxdiisa, si xagaaga soo aadan ay si xoogan ugu tartamaan Horyaalka & Champion League.

Sidaas darted Chelsea ayaa dooneysa ineey 3 xidig oo muhiim ah kasoo qaataan Monaco, kuwaasoo kala ah Tiemoue Bakayoko, Benjamin Mendy & Thomas Lemar.

Naadiga reer France ee Monaco ayaa wacdaro ka dhigay tartanka Champion League iyagoo xalay soo tiigsaday afar dhamaadka markii ay Brussia Dortmund cel celis ahaan uga soo baxeen 6-3.

Indha indheeyaal ka socday Blues ayaa xalay ku sugnaa Garoonka Monaco ee Stade Louis II, si ay u qiimeeyaan Tiemoue Bakayoko, Benjamin Mendy & Thomas Lemar.

Bakayoko, ayaa ah dooqa koowaad ee Chelsea iyagoo doonaya in xagaagan soo aadan uu ka garab ciyaaro N’ Galo Kante, sidoo kale waa mid ku haboo shaxda Conte ee ah 3-4-3.

Sidoo kale Garabka bidix ee Mendy ayaa isna la doonayaa in tartan lala geliyo Marcos Alonso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.