Dowlada Imaaraadka Carabta oo si caro leh uga hadashay Qaraxii lala eegtay shaqaale kuwaada ah

Dowlada Imaaraadka Carabta oo si caro leh uga hadashay Qaraxii lala eegtay shaqaale kuwaada ah

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadad dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in Qaraxii shalay wafddi ka socda Imaaraadka lagula beegsaday Muqdisho uusan waxba u dhimi doonin kaalinta Imaaraadka Carabta ee Somaliya.

Wasaaraddu waxa ay xustay in kaalmada Somaliya ee Imaaraadka ay sii socon doonto islamarkaana aysan qarax iyo wax la mid ah u hakin doonin howlaha gargaarka ah ee ay ka wadaan Somaliya.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in shalay oo Arbaco ahayd ay WFP ka heshay 45 Tan oo Raashin iyo Dawo isugu jira,islamarkaana ay Hay’adda bisha cas ee Imaaraadka Carabta ay dhawaan u soo daabuli doonto Somaliya.

Imaaraadku waxa uu sheegay in bishii la soo dhaafay 110 Qof oo Soomaali ah ay u dhinteen abaarta Soomaaliya,sidaas darteedna loo baahan yahay in wax laga qabto abaarta hadda ka sii dareysa ee Soomaaliya.

Waddamada bixi deeqaha Caalamiga ah ayey ugu baaqday in ay wax ka qabtaan abaarta Soomaaliya oo haddii aan laga hortagi isu beddeli karta macluul Soomaaliya ku dhufata markii 3aad 26 Sano gudahood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.