Dowlada Kenya oo bilaabeysa qorsho cusub oo looga hortagaayo Alshabaabka ku sugan Kenya

Dowlada Kenya oo bilaabeysa qorsho cusub oo looga hortagaayo Alshabaabka ku sugan Kenya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay diyaaraneyso Ciidamo ka howlgalo goobaha ay bulshadu iskugu yimaadaan sida Jaamacadaha iyo Iskuulada.

Kenya ayaa ku tilmaamtay Ciidamada kuwa ka hortagi doono in goobahaasi ay ka howlgalaan xubnaha tashkiiliya dhalinyarada ku biirayso dagaal yahanada Al-shabaab iyo waliba Ururka Daacish.

Ku xigeenka xoghayaha wasaaradda difaaca gudaha Kenya Thomas Sakah ayaa u sheegay warfidiyeenada in arintaan ay u sahli doonto in dowladda Kenya ay ka warqabto dhaq-dhaqaaqyada dad ay sheegeen in ay u tashkiiliyaan dhalinyarada ka mid noqoshaha Al-Shabaab.

Hadalka dowladda Kenya ayaa ku soo aadayo xili ay jiraan dhalinyaro aad u fara badan oo u dhashay dalka Kenya ay ku biireen dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaas oo haatan ka bar-bar dagaalamaya, balse waxa aan la ogeyn sida ay arinta wax uga badali doonto dhalinyarada ku biiraya dagaal yahanada Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.