Muxuu xalay u ooyay Neymar?

Muxuu xalay u ooyay Neymar?

Kadib markii ay Barcelona xalay isaga hartay Champion League, ayaa Kaamirooyinka waxeey soo qabanayeen Xidiga reer Brazil Neymar oo Oohin jabsaday, waxaana la arkayay qaar kamid ah laacibiinta Juventus oo samirsiinaya sida Alves iyo Pjanic.

Neymar ayaa ilaa uu qolka labiska ka galo ahaa mid ooynaya. Hogaamiyaha reer Brazil oo xulkiisa si awood ah ugu soo saaray Koobka aduunka ee 2018 lagu qabanayo dalka Ruushka, ayaa sanadkiisi 2-aad niyad jab xun kala kulmaya Koobka Champion League.

Neymar ayaa xalay ahaa ninka kaliya ee Barcelona ka muuqday wuxuuna sameeyay dadaal xoogan, balse wuxuu ku fashilmay inuu hal baas saxan siiyo saaxiibadiis sidoo kale wuxuu awoodi waayay inuu hal shuud ku aadiyo Goolka Juventus.

Sidoo kale Neymar ayaa seegi doona kulanka axada ee El Clasico kadib markii ay xiriirka Spain ganaaxeen 3 kulan oo xiriir ah, kadib markii uu aflagaadeeyay garsooraha kulankii ay Malaga ka adkaatay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.