Qaab Caynkee ah ayay wargeysyada Talyaaniga & Spain uga hadleen Kulankii xalay dhex maray Barcelona & Juventus?

Qaab Caynkee ah ayay wargeysyada Talyaaniga & Spain uga hadleen Kulankii xalay dhex maray Barcelona & Juventus?

Wargeysyada ugu waaweeyn Isboortiga ee Spain iyo Talyaaniga ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay kulankii xalay Camp Nou ku dhexmaray Juventus & Barcelona.

Corriere dello Sport: “Waad ka ooyiseen”

Wargeysyada Talyaaniga cinwaanka ugu saameynta badnaa wuxuu ahaa midka uu soo daabacay Corriere dello Sport kaas oo u qornaa: “Waad Ka Ooyiseen” xilli ay soo qaateen sawirka Neymar Junior oo oynaya sidoo kalana uu sabarsiinayo saaxiibkiisa qaranka Brazil – Dani Alves.

Sport iyo Mundo Deportivo: “Nabad galyo adinkoo sharfan”

“Nabad Galyo Adinkoo Sharfan” Ayey Sport iyo Mundo Deportivo kusoo qoreen bogga hore wargeyskooda cadadkii maanta iyagoo kala adeegsaday sawirada Luis Suarez iyo Neymar

Marka: “Afar Kubad & Tacsi”

Marca ayaan u nixin wixii ku dhacay Barcelona waxeyna bogooda hore kusoo qoreen: “Afar Kubad & Tacsi” dabcan waxey kala jeedaan in Barcelona ay u taalo tacsi halka kooxaha Madrid ay ka mid yahiin afarta kubad ee isku aadka Semi Finalkiisa marka la sameynaayo lakala furi doono.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.