Toby Alderweireld oo diiday inuu qandaraaska u kordhiyo Tottenham si uu Inter ugu biro

Toby Alderweireld oo diiday inuu qandaraaska u kordhiyo Tottenham si uu Inter ugu biro

Daafaca birta ah ee Reer Bilgian Toby Alderweireld ayaa diiday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa Tottenham, waxaana warar saakay soo baxay ay sheegayaan in xidigaan uu doonayo inuu ku biro Naadiga reer Italy Inter Milan.

Inter Milan oo maalqabeeno Shiinees ah maalgaliyeen, ayaa dooneysa ineey £25million kula soo wareegto xidigan.

Toby Alderweireld, oo hada 25 jir ah ayaa si walba isaga diidi doona qandaraas cusub oo Tottenham usoo bandhigto si uu u doorto lacagta badan ee ay Inter Milan usoo bandhigtay.

Inter ayaa dooneysa ineey iska adkeyso daafaca dambe, waxeeyna hada dooneysaa ineey sidoo kale lasoo wareegto daafacyada kala ah Kostas Manolas and Stefan De Vrij.

Alderweireld, ayaa sanadkii 2015 Tottenham uga soo biiray Atletico Madrid, kadib hal sano amaah ah oo uu kusoo qaatay Southampton.

Alderweireld, waxa uu laf dhabar u noqday daafaca dambe ee Tottenham, sidoo kale waa mid kamid ah daafacyada ugu adag Horyaalka Ingiriiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.