Xildhibaan kashifay sida loo maareeyo kuraasta leyska casilay ama laga dhinto ee Baarlamaanka

Xildhibaan kashifay sida loo maareeyo kuraasta leyska casilay ama laga dhinto ee Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamed Soomaali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Kuraasta Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ay ku yimaadeen qaab Musuqmaasuq ah, loona baahan yahay in wixii hadda ka dambeeyo si weyn looga fiirsado , lana adkeeyo ka mid noqoshada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ku baaqay in Guddoonka Sare ee Baarlamaanka ay wax badan ka ogaadaan xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Xildhibaan Maxamed Soomaali isagoo ka qeyb galayay kulan ay xildhibaanadu ku lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.