Arsenal oo saxiixa Virgil van Dijk ka af duubaneysa Chelsea

Arsenal oo saxiixa Virgil van Dijk ka af duubaneysa Chelsea

Xidiga Southampton daafaca uga ciyaara Virgil van Dijk ee lagu qiimeeyo £50million, ayaa in mudo ahba diirada u saarnaa kooxaha Ingiriiska ugu waaweyn ee kala ah Chelsea,City iyo Liverpool, balse hada waxaa tartanka kusoo biirtay Arsenal oo dooneysa ineey xagaaga soo aadan iska dhisto daafaca dambe.

Wenger ayaa doonaya in daafacaan reer Holland uu ka dulqaado Chelsea, si uu qeyb uga noqdo qorshihiisa ah inuu ciyaaro shaxda 3-4-3.

Sidoo kale Wenger ayaa doonaya inuu soo iibsado daafac dambe oo xoogan islamarkaasna uu ka garab ciyaarsiiyo Mustafi.

Wenger oo kulankii ugu dambeeyay ciyaaray shaxda ay caanka ku yihiin Chelsea iyo Tottenham, ayaa doonaya inuu isagana joogteeyo shaxdaasoo ah 3-4-3.

Leave a Reply

Your email address will not be published.