Mourinho oo ka walwalsan dhaawaca soo gaaray Ibrahimovic & Rojo’

Mourinho oo ka walwalsan dhaawaca soo gaaray Ibrahimovic & Rojo’

Labadaan ciyaaryahan ayaa ku dhaawacmay Guushii ciriiriga ahayd ee ay United xalay ka gaartay kooxda Anderlecht, kulan katirsan Europa League.

Mourinho iyo wiilashiisa ayaa soo tiigsaday afar dhamaadka Europa League, balse waxa uu walwal xoogan ka muujiyaya dhaawaca soo gaaray Ibra iyo Rojo oo qeyb weyn ka ahaa ololihiisa xili ciyaareedkan.

Mourinho oo wax laga weydiiyay dhaawaca labadaan xidig ayaa ku jawaabay, “waan ka warsugi doonaa waxa dhaqaatiirta kayiraahdaan, balse dareenkeyga ma ahan mid wanaagsan”.

Joogdheere Ibrahimovic ayaa u muuqday mid dhaawac daran uu kasoo gaaray Jilibka, waxaana si toos ah loogu kaxeeyay Isbitaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.