Real Madrid vs Atletico Madrid, Monaco vs Juventus: Isku aadka Semi Finalka Championka oo la sameeyay

Real Madrid vs Atletico Madrid, Monaco vs Juventus: Isku aadka Semi Finalka Championka oo la sameeyay

Waxaa goordhow lagu dhawaaqay isku aadka wareega afar dhamaadka Champion League, waxaana xiiso leh in kooxaha isku magaalada ka dhisan ee Atletico Madrid iyo Real MADRID isku soo aadeen halka kooxaha Monaco iyo Juventus iyagana fooda is dari doonaan.

Kulanka Madrid Derby ayaa la daawan doonaa bilowga bisha soo aadan ee May, waxaana la diiday in mar kale Madrid Derby uu ka dhaco finalka, midkood labada kooxood ee reer Spain ayaa hari doona.

Sidoo kale Juventus iyo As Monaco ayaa isku aaday waana markii ugu horeysay oo ay labadaan kooxood isku aadaan tan iyo 2015 markaas oo ay isku arkeen wareega Quarter finalka Champions League, Juventus ayaana tartanka ka saartay kooxda faransiiska ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.