Hazard oo diiday inuu heshiis cusub u saxiixo Chelsea, Miyuu u socdaa Real Madrid?

Hazard oo diiday inuu heshiis cusub u saxiixo Chelsea, Miyuu u socdaa Real Madrid?

Markii ay soo idlaatay ciyaartii ay doraad garaaceen Tottenham ayaa wareysi uu bixiyay xidiga reer Belgian wuxuu sheegay inuusan dooneen inuu Kabtanimada kala wareego John Terry.

Hadaba sida uu daabacay wargeyska Mirror Hazard ayaa diiday inuu heshiis cusub u saxiixo Chelsea, taasoo sii xoojineysa shakiga ah inuu doonayo ku biirista Real Madrid xagaaga soo aadan.

Xidigan reer Belgian ayaa waxaa mudooyinkii dambe si aad ah loola xiriirinayay Real Madrid.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Chelsea ay xidigaan usoo bandhigtay heshiis uu isbuucii ku qaadanayo aduun dhan £300,000.

Leave a Reply

Your email address will not be published.