Wenger:Meel ku qorta Marnaba Sanchez kama iibin doono naadi nagula xifaaltama Horyaalka Ingiriiska

Wenger:Meel ku qorta Marnaba Sanchez kama iibin doono naadi nagula xifaaltama Horyaalka Ingiriiska

Labada Manchester iyo Chelsea ayaa si aad ah u daneeynaya saxiixa xidiga aan ku faraxsaneen Emirates ee Alexis Sanchez, balse macalin Wenger ayaa caawa xaqiijiyay in hadii ay noqoto ineey iibiyaan xidigaan reer Chile aysan marnaba ka iibin doonin naadi ciyaara Horyaalka Ingiriiska.

Wenger ayaa sheegay in intii uu Sanchez ka iibin lahaa naadiyada ay xifaaltamaan uu ka doorbidayo in 2018 wixii ka dambeeya uu si Free ah ku baxo.

United ayaa noqotay naadigii ugu dambeeyay ee Sanchez lala xiriiriyo, sidoo kale City iyo Chelsea ayaa iyagan shabaq u daadsanyahay si ay u helaan adeega wiilka reer Chile.

GUARDIOLA oo horay usoo leeyliyay Alexis intii uu ku sugnaa Barcelona ayaan qarsan xiisaha uu u qabo saxiixiisa, sidoo kale Conte ayaa doonaya inuu shaxdiisa weerarka ku xoojiyo xagaaga soo aadan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.