Xidig mudo dheer bartilmaameed u ahaa Chelsea oo ku dhow ku biirista AC Milan

Xidig mudo dheer bartilmaameed u ahaa Chelsea oo ku dhow ku biirista AC Milan

Xidiga ay Chelsea mudada dheer ku raad joogtay ee FRANCK KESSIE, ayaa kusii dhawaanaya inuu ku biro CAMAALIQADA ac Milan.

Xidiga khadka dhexe u maamula Atalanta ayaa Bishii January lala xiriirinayay ku biirista kooxda Chelsea ee uu maamulo Antonio Conte.

Wargeyska Calciomercato, ee Italy kazoo baxa ayaa sakaay daabacay in AC Milan kusii siqeyso soo xera gelinta xidiga Atalanta Kessie.

Sidoo kale Calciomercato, wuxuu qoray in Milan iyo wakiilka xidiga ay marhoraba wada gaareen heshiiska uu xidigan ugu soo dhaqaaqayo San Siro.

AC Milan ayaa bixin doonta aduun dhan £23.6million si ay xidigan uga soo dhaqaajiso Atalanta.

Milkiilayaasha Shiineska ah ee dhawaan la wareegay Milan ayaa bixin doona lacag farabadan si kooxda dib u dhis xoogan loogu sameeyo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.