Erdogan oo ka hadlay sida ay Mareykanka u hubeynayaan ciidamada Kurdishka ee Suuriya

Erdogan oo ka hadlay sida ay Mareykanka u hubeynayaan ciidamada Kurdishka ee Suuriya

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa ku sheegay wareysi uu TV ga la yeeshay in go’aanka Dawlada Mareykanka ay qorsheenayaan inay ku hubeeyaan ciidamada Kurdishka ee Suuriya uu yahay “mid aan la aqbali karin.

Dawlada Turkiga “ma aqbali karno joogitaanka ururada argagixisada oo halis ku ah mustaqbalka ee dalkaTurkiga”.

“Waxaan rajaynaynaa in maamulka Maraykanka inay joojiyaan qaladka oo ay ka noqdaan go’aankaasi,” ayuu yiri.

Canikli ayaa sheegay in Maraykanku ku andacoodaan in la kaashadaa Kooxda Ilaalinta Dadka (YPG) ay tahay jidka keliya si ay ula dagaalamaan Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Levant (ISIL) ee weerarada dhulka ay tahay mid aan ku salaysneen xaqiiqada.

Horaantii Afhayeenka Pentagon ee Dana White,, ayaa ku sheegay war qoraal ah in Madaxweyne Donald Trump uu idan ku bixiyay shixnadaha hubka in la gaarsiiyo kooxda YPG

Leave a Reply

Your email address will not be published.