Cesc Fabregas oo sheegay in Conte uu ka wanaagsanyahay Jose Mourinho

Cesc Fabregas oo sheegay in Conte uu ka wanaagsanyahay Jose Mourinho

Xidiga reer Spain ee usoo ciyaaray Arsenal iyo Barcelona Cesc Fabregas, ayaa shaaciyay in Antonio Conte uu inbadan ka wanaagsanyahay macalinkiisi hore Jose Mourinho kaasoo haatan leeyliya Manchester United.

Cesc Fabregas, ayaa qaba in Conte uu ka wanaagsanyahay Mou iyo Guardiola marka la joogo xerada tababarka kooxda.

Conte ayaa sanadkiisi ugu horeeyay Chelsea u qaaday Premier League, kadib sanadkii hore oo ay Blues xaalad xun kujirtay markaasoo uu tababare u ahaa Mourinho.

Sidoo kale Conte ayaa indhaha ku haya inuu qaado koobkiisi 2-aad isagoo Finalka Jooga FA CUP-ka kaasoo ay ku balansanyihiin kooxda Arsenal.

Cesc Fabregas, ayaa qaba in horumarka ay sanadkaan ku tallaabsatay Chelsea uu sababteeda leeyahay kaartiistaha reer Italy Conte.

“In badan ayaan cararnay xagaagan sidoo kale waxaan inta badan sameeynaa GYM iyo shaqo adag..wax wanaagsan ayaan qabanay..” ayuu yiri Cesc Fabregas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.