Cristiano Ronaldo, Isco & Lucas Vázquez oo seegi kara kulanka Malaga hadii midaan ay dhacdo..

Cristiano Ronaldo, Isco & Lucas Vázquez oo seegi kara kulanka Malaga hadii midaan ay dhacdo..

Sadex xidig oo muhiim u ah Zidane ayaa miin hal jaalo kaliya u jira ineey seegaan kulanka kama dambeysta La Liga ee Malaga kaasoo go’aamin doona in Real xagaagan ay ku guuleeysato La Liga mudo dheer kadib iyo in kale.

Xidigahaan ayaa kala ah Cristiano Ronaldo, Isco iyo Lucas Vázquez, waxeeyna seegi karaan kulanka Malaga hadii caawa uu midkood qaato calaamada Jaalaha.

Nacho oo qeyb weyn ku lahaa olalaha Real Madrid ee xagaagan ayaa kulanka caawa ee Celta Vigo ku seegi doona Ganaax.

Hadii Real Madrid ay ka fogaato in Guuldaro soo gaarto kulanka caawa ee Celta Vigo iyo kan xiga ee Malaga waxeey si rasmi ah ugu guuleeysan doontaa La Liga oo ay mudo dheer ugu dambeysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.