Kabtanka Arsenal oo xaqiijiyay saxiixa SEAD KOLASINAC

Kabtanka Arsenal oo xaqiijiyay saxiixa SEAD KOLASINAC

Kabtanka kooxda Arsenal Koscielny, ayaa xaqiijiyay in SEAD KOLASINAC uu kusoo wajahanyahay Emirates marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

SEAD KOLASINAC, ayaa lagu wadaa inuu Emirates soo caga dhigto Bisha July markaasoo uu dhamaanayo qandaraaska uu kula jiro Schalke.

Xidigaan lugta bidix ku xamaasha ayaa ka ciyaara daafaca bidix, waxaana uu qandaraas 5 sano ah la gaaray Arsenal.

Kabtan Koscielny ayaa xaqiijiyay in SEAD KOLASINAC uu iyaga kusoo biiri doono dhawaan, wuxuuna si aad ah u amaanay tayada xidigan reer Bosnia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.