Real Madrid oo lasoo wareegi doonta sadexdaan xidig midkood hadii Bale uu baxo

Real Madrid oo lasoo wareegi doonta sadexdaan xidig midkood hadii Bale uu baxo

Real Madrid ayaa lasoo saxiixan doonta 3 xidig oo waaweyn hadii Bale uu xagaagan u dhaqaaqo Manchester United.

Gareth Bale oo ay dhaawacyo hareeyeen xili ciyaareedkan kullamo yarna u ciyaaray Real Madrid, ayaa si aad ah loola xiriirnayaa Manchester United.

Hadaba wargeyska Don Balon ee Spain kasoo baxa ayaa daabacay in hadii Bale uu baxo Real Madrid u dhaqaaqi doonto saxiixa 3 xidig oo waaweyn.

Bartilmaameedka 1-aad ee Real ayaa ah keenista xidiga reer Argentine iyo Kooxda Juventus Dybala kaasoo dhawaan qandaraas cusub u saxiixay marwada duqda ah.

Dybala ayaa 17 Gool u dhaliyay Juventus xagaagan 44 kulan uu saftay, waana mid kamid ah xidigaha mustaqbalka wanaagsan ku leh kubadda cagta.

Dooqa 2aad ee Real Madrid waa da’yaraha Monaco Kylian Mbappe halka dooqa sadexaadna uu yahay xidiga PSG Marco Verratti.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.