Xog: Barcelona oo maalmaha soo socda ku dhawaaqeysa saxiixa Bellerin

Xog: Barcelona oo maalmaha soo socda ku dhawaaqeysa saxiixa Bellerin

Warar duul duul ah oo maanta ka’imaanaya Spain gaar ahaan Catalonia ayaa sheegaya in Barcelona maalmaha soo aadan ay dhameystiri doonto saxiixa daafaca Midi gee Arsenal Hector Bellerin.

Bellerin ayaa mudo dheerba bartilmaameed u ahaa kooxdii uu kusoo barbaaray ee Barcelona, waxaana la doonayaa inuu buuxiyo booskii uu baneeyay Dani Alves, kaasoo xagaagaan bilawgiisi ku biiray Juventus.

Barca ayaa 8 dhamaadkii Champion League kusoo hartay gacmaha Juventus, sidoo kale waxeey halis ugu jirtaa in La Liga isna u dhaafto Real Madrid oo ugu cad cad ku guuleeysigiisa sanadkaan.

Wargeyska Diario Gol ayaa daabacay in Bellerin uu durbaba Guri ka raadsanayo magaalada Barcelona, taasoo muujinaysa inuu xagaagan kusoo biirayo Camp Nou.

Hadaba madaxda Barcelona ayaa maalmaha soo aadan ku dhawaaqi doona saxiixa BELLERIN iyo in Messi uu qandaraas cusub saxiixay.

Bellerin oo 22 jir ah ayaa kullamadii ugu dambeeyay u muuqday mid booskiisa u waayay Chamberlain.

Leave a Reply

Your email address will not be published.