C.ronaldo: “Malaga waxaan u aadi doonaa Guul oo kaliya”

C.ronaldo: “Malaga waxaan u aadi doonaa Guul oo kaliya”

Kadib Guushii xalay ee Celta Vigo C.ronaldo ayaa sheegay in kulanka uharsan ee Malaga kaliya ay doonayaan ineey Guuleeystaan si ay u noqdaan Horyaalka sanadkaan.

C.ronaldo ayaa xalay 2 Gool oo caaqibo lahaa lugtiisa Bidix uga dhaliyay Celta Vigo oo ay 4-1 ku garaaceen, waxaana labada goo lee kale dhaliyay Kroos iyo Benzema.

Real ayaa hada 3 dhibcood ka sareysa oo Kulan kaliya u harsanyahay, waxaana Zidane iyo wiilashiisa ay doonayaan in ugu yaraan 1 dhibic kasoo qaataan Malaga si ay u xaqiijiyaan ku guuleeysiga La Liga sanadkaan.

Barcelona ayaa labadii sano lasoo dhaafay La Liga ku guuleeysaneysay halka Real ugu dambeysay sanadkii 2012.

“Waa inaan dagaalanaa ilaa kulanka ugu dambeeya, Malaga wa akuwo xoogan marka Gurigooda la joogo, waxaan halkaas u tegi doonaa Guul oo kaliya” ayuu yiri C.ronaldo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.