DAAWO SAWIRADA: Sidee ayay u dhacday toogashadii C/qaadir Cabdi Xasan

DAAWO SAWIRADA: Sidee ayay u dhacday toogashadii C/qaadir Cabdi Xasan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ku eedeysnaa  in uu fuliyay Qaraxii ka dhacay suuqa beerta ee Degmada Waaberi, 26-ki November 2016.

Dilkan toogashada ah oo ka dhacay Fagaaraha ku yaalla Iskool buluusiya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta ugu sareysa ee Maxkamadda ciidamada qalabka Sida, Saraakiil Ciidan Ciidamada dilka fulinayay iyo xubno kale.

Saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay ninkaan inuu horay u qirtay dambiga ah inuu ka dambeeyay qaraxaasi Shabaabna uu ka mid ahaa.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 13-kii March ee sanadakn xukun dil ah ku riday C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa Ninkii waday Gaariga ku Qarxay Suuqa Beerta, waxaana Maxkamadda ay sii deysay 6 kale kuwaasi oo lagu waayay dambi.

Qaraxii ka dhacay suuqa beerta ee Degmada Waaberi 26-kii November 2016 ayaa waxaa ku dhimatay 10 Qof halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad shacab ah oo halkaasi ku Ganacsanayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.