Dowlada Somalia oo ka hadashay dib u bilaabashada wadahadalada kala dhexeeya maamulka Somaliland

Dowlada Somalia oo ka hadashay dib u bilaabashada wadahadalada kala dhexeeya maamulka Somaliland

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

Waxa uu sheegay in uusan jirin Dagaal u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Soomaaliland, Nabadna ay ku wada jiraan, kuna wada nool yihiin.

Sidoo kale Abuukaate Mahdi ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland, kadib marka ay dhacdo Doorashada Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa horey u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax miro dhal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.