FAAHFAAHIN: Gudoomiye ku xigeenka labaad Baarlamaanka Hirshabelle oo dhaawacantay

FAAHFAAHIN: Gudoomiye ku xigeenka labaad Baarlamaanka Hirshabelle oo dhaawacantay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ay ku dhaawacan Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Canab C/llaahi Ciise ayaa lasoo sheegayaa iney ku dhaawacantay Shil Gaari oo ka dhacay Tuulada Booroow oo qiyaastii 15-KM u jirta Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe.

Dhaawac fudud ayaa soo gaaray Canad C/llaahi Ciise Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle,Shilkan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari ay la socotay Marwo Canab kaasoo kusoo jeeday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Xaalada Marwo Canab ayaa hada ah mid wanaagsan waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Jowhar,Wadada Laamiga ah ee isku xirta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo Gobolka Sh/Dhexe ayaa ah mid aad u burbursan oo aan wax dayactir ah helin tan iyo wixii ka danbeeyey burburka dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaana xiliyada qaar ka dhaca shilal sababa dhimasho iyo dhaawac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.