Labada Manchester oo Bililiqeeysanaya xidigo laf dhabar u ah Tottenham

Labada Manchester oo Bililiqeeysanaya xidigo laf dhabar u ah Tottenham

Sadex kamid ah xidigaha ugu muhiimsan Tottenham ayaa isha ku haaya in kor loo qaado mushaaraadka ay kooxda ka qaataan kaasoo midkiiba dhan £65,000 isbuucii.

Sadexdaan xidig oo laf dhabar u ah Tottenmham ayaa la hadal haayaa in xagaagan marka uu dhamaado isaga dhaqaaqi doonaan kooxda, waxaana durbaba usoo tafa xeeytay labada Manchester.

Dier, waxaa £40million ku dooneysa Manchester United, waxaana warar lagu kalsoonaan karo ay xaqiijinayaan in xidigaan qudhiisa uu doonayo ku biirista safka Mourinho.

Walker oo 26 jir ah kana ciyaara Garabka midi gee daafaca ayaa isna mudooyinkii dambe shaki kujiray mustaqbalkiisa Tottenham kadib markii uu Kullamadii ugu dambeeyay kasoo muuqanayay kursiga keydka, waxaana isna albaabka u taagan Guardiola oo u arka mid ku haboon shaxdiisa sanadka soo aadan.

Sadexdaan xidig ayaa aaminsan in hadii ay isaga tagaan Tottenham ay heli doonaan mushaar ku laba jibaarma midka ay hada ka qaataan kooxdooda.

Sidoo kale Danny Rose, oo isna 26 jir ah mudana dhaawac ku maqan, ayaa isna waxaa donaya isla Guardiola.

Leave a Reply

Your email address will not be published.