Maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa oo xukun ku riday Shabaab badan

Maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa oo xukun ku riday Shabaab badan

Maxkamad ku taala dalka Ethiopia ayaa xukun ku riday 23-qof oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin dhaq dhaqaaqa Al-shabaab waxaana lagu riday xukun 15sano xabsi ah.

Maxkamad Federaal oo ku taala caasimada Adis ababa ayaa u soo jeedisay eedesanayaashan inay qorsheenayeen weeraro ay ka fuliyaan wadankaasi sanadkii 2010-ki.

Mas’uuliyiinta Maxkamada ayaa sheegay in dadkaan ay diyaar garow ugu jireen dowlad islaami ah ay ka aas aasaan Ethiopia.

Waxaa eedeymaha lagu haysto kamid ah in ay askareenayeen muwadiininta wadankasi oo ay u soo diraayen Soomaaliya.

Xukunka ragaan lagu riday ayaa imaanaya laba todobaad kadib markii Ethiopia ay sheegtay inay gacan ka geeysanayso la dagaalanka  Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.