Real Madrid oo tallaabo kale xalay u qaaday ku guuleeysiga La Liga+Sawiro

Real Madrid oo tallaabo kale xalay u qaaday ku guuleeysiga La Liga+Sawiro

Afar gool oo ay kala dhaliyeen Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Toni Kroos ayaa guul weyn siiyay Real Madrid iyagoo si nadiif ah u qabsaday hogaanka horyalka La Liga.

Real Madrid ayaa guul ku gaartay garoonka Balaidos iyadoo 4-1 ku xasuuqday Celta Vigo oo qeybahi dambe ciyaarta ku ciyaareysay 10-xidig madama laga saaray garoonka Iago Aspas.

Kulanka ayaa si waali ah ku bilowday iyadoo Real Madrid ay ka warqabeen natiijada looga baahan yahay halka Celta Vigo ay aheyd koox kaashaneysay jamaahiirta gurigeeda madama marti loo ahaa.

Natiijada ciyaarta ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaatay 1-4, oo ay guusha ku raacday Real Madrid, guushaan waxey ka saaciday Los Blancos iney si nadiif ah sadex dhibcood hogaanka kaga qabsadaan Barcelona ka hor kulanka ugu dambeeya horyaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.