Bandhig Faneedkii uu Ilka Case ku qaban lahaa Muqdisho oo la joojiyay & sababta ka dambeysa

Bandhig Faneedkii uu Ilka Case ku qaban lahaa Muqdisho oo la joojiyay & sababta ka dambeysa

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiijiyay in la baajiyey Show ama bandhig fanneed uu Sabtida soo socota ku qaban lahaa Muqdisho fannaanka qaadda heesaha raabka ee Ilko Case oo Muqdisho ku sugan.

Waxa la sheegay in loo baajiyey maadama ay soo dhawaatay bisha Ramadaan in la joojiyey bandhigga maadama ay bishaas tahay bil cibaado kana xurmo badan bilaha kale ee Islaamka, waxaa la isla gartay in la joojiyo bandhiggaas.

Fannaanka Ilko Case ayaa shaley Muqdisho soo gaaray, waxaana la sheegay in uu u yimid sidii uu bandhig fanneed u qaban lahaa.

Waxaa jira taageerayaal fara badan oo uu lee yahay fannaanka kuwaasoo ku sugan Muqdisho.

Fannaanka Ilko Case ayaa horrey bandhig fanneed ugu qabtay magaalada Nairobi oo uu hadda ka yimid isla markaana uu joogay maalmihii la soo dhaafay.

Ilko Case ayaa deggan Mareykanka, waana markii ugu horreysay oo Muqdisho uu yimaado, ma cadda in uu sii joogi doono mar haddii uu baaqday bandhig fanneedkiisa iyo in laaban doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.