Soomaaliya oo war cad ka soo saartey khilaafka dowladaha Khaliijka -WARSAXAAFAEED

Soomaaliya oo war cad ka soo saartey khilaafka dowladaha Khaliijka -WARSAXAAFAEED

War ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ka xuntahay khilaafka ka dhex aloosmey dowladaha Khaliijka ee lagu go’doomiyey dalka Qatar, Warka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ku baaqeyso in wadahal lagu xaliyo khilaafka, Xukuumadihii hore ee Soomaaliya ayaa dhexgeli jirey khilaafyada dowaldaha ay saaxiibka yihiin iyaga oo dhinaca saara mid kamid ah.

Warka ka soo abxay Wasaaradda ayaa sidan loo dhigay:

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

Waxey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.