Alves oo Dybala kula taliyay inuu isaga tago Juventus

Alves oo Dybala kula taliyay inuu isaga tago Juventus

Alves ayaa u sheegay Paulo Dybala in Juventus aysan u suurogalin karin inuu heer sare ka gaaro kubadda cagta.

“Horay ayaan ula hadlay Paulo Dybala, waxaan u sheegay inuu u baahanyahay inuu si wayn hormar u sameeyo waqtiga soo socda, taasna uma suurogali karto inta uu joogo Juventus” ayuu yiri Alves.

“Waan la hadlay isaga waxaanan kula taliyay inuu katago Juventus, si uu u raadiyo tijaabo cusub oo uu ku soo muujiyo xirfadiisa si uu u noqdo mid kamid ah ciyaartoyda ugu fiican aduunka”.

“Waxaan ku iri waxaad tahay dheyman u baahan fursad uu ku soo muuqdo si uu uga yaabiyo dadka dhan” ayuu sii raaciyay daafaca reer Brazil.

Talada Dani Alves ayaa ah in laacibku uu hormar badan sameeyo, si taas ay u dhacdana wuxuu u sheegay inuu isaga tago kooxda reer talyaani.

Leave a Reply

Your email address will not be published.