Amakaak: C.ronaldo oo go’aansaday inuu isaga tago Madrid & 4 kooxood oo ku dagaalamaya saxiixiisa

Amakaak: C.ronaldo oo go’aansaday inuu isaga tago Madrid & 4 kooxood oo ku dagaalamaya saxiixiisa

Xidiga reer Portugal Cristiano Ronaldo waxa uu u sheegay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez in uu doonayo ka tagitaanka kooxda, sidaas waxaa qortay A Bola.

Laacibka ka soo jeeda Portugal waxaa dhawaantan hareeysay eedeeno la xiriirta lunsiga cansuuro taas oo keentay in uu qaato go’aanka ka tagidda Spain xagaagan.

Kaligii maha Ronaldo, sidoo kale Lionel Messi iyo Neymar waxa ay la kulmeen kiisas dhaqaale oo lagu wada maxkamadeeyey.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday Afar kooxood oo Cristiano Ronaldo uu ku biiri karo haddii uu ka tago Real Madrid.

Wargayska ayaa sheegay in Ronaldo uu ku biiri karo Manchester United, Manchester City, PSG iyo waliba kooxaha horyaalka shiinaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.