Madaxweynaha Lyon oo ka dhawaajiyay hadal ka farxiyay taageerayaasha Arsenal

Madaxweynaha Lyon oo ka dhawaajiyay hadal ka farxiyay taageerayaasha Arsenal

Madaxweynaha Lyon Aulas ayaa sheegay in Alexandre Lacazette ay ku wargaliyeen inuu katagi karo kooxda haddii uu doono markaas oo uu ku sii jeeday Atletico Madrid laakiin kooxda reer Spain ayaa laga ganaaxay suuqa.

Wuxuuna intaa ku daray in haatan uu dalab fiican ka haysto kooxda Arsenal, Aulas ayaa sii raaciyay in laacibku uu sii joogi doono haddii ay guulaysan waayaan wadahadalada kooxaha doonaya.

“Waxaan u sheegnay Lacazette inuu bixi karo, wadahadalo hormar leh ayaan kula jirnay Atletico Madrid laakiin amuuruhu uma dhicin sidii larabay” ayuu yiri madaxwaynaha kooxda Lyon.

“Haatan dalab fiican ayuu ka haystaa Arsenal, anagu ma doonayno inuu baxo, xiriir fiican ayaan la leenahay isaga”.

“Haddii aysan guulaysan wadahadalada kooxaha kale waa uu sii joogi doonaa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.