Mushaarka uu Morata ka qaadan doono United oo la kashifay

Mushaarka uu Morata ka qaadan doono United oo la kashifay

Wargeyska AS ee kazoo baxa magaalada Madrid ayaa shaaca ka qaada Arbacadii in wakiilka xidigaan uu maamulka Los Blancos kula kulmay Santiago Bernabeu iyadoo warbixinada qaar ay xaqiijinayaan in xidigaan uu kaga tagayo La Liga aduun dhan 74 Malyan oo Euro.

24-jirkaan heerka caalami lacago rikoor ah ayuu ugu biirayaa Man United isagoo noqon doona sida la rajeynayo Spanish-kii ugu qaalisanaa ebid taariikhda kubadda cagta.

Wargeyska wuxuu intaas ku daray in lacagaha faraha badan leh ee xidigaan loo balan qaaday ay ku jiidi karto inuu ka xamaasho EPL-ka inkastoo la ogyahay inuu khibrad u leeyahay Serie A-da sidoo kalana laba jeer uu ku guuleystay Champions League 2014 iyo 2017.

Wargeyska wuxuu ka dhawaajiyay in Alvaro Morata uu qaadan doono aduun dhan 12 Malyan oo Euro xilli ciyaareedkii taasoo ka dhigan inuu 48 Malyan oo Euro qaadan doono heshiiska la filayo inuu qalinka ugu duugo Red Devils kaas oo lagu sheegay 4 Sanadood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.