Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Chelsea ayaa hakisay wadahadallo ay kula jirta 25 sanno jirka goolka u qabta Thibaut Courtois waxaana loo joojiyey wadahadalladaas mushaar waalli ah oo uu dalbaday Thibaut Courtois dartiis. Goolhayaha reer Belgium wuxuu doonayaa Isbuucii 100 kun oo ginni oo mushaar ah, laba sanno ayaana haatan ka dhimman qandaraaskiisa. (The Times).

Cristiano Ronaldo, oo 32 sanno jir ah, ayaa u sheegay maamulka kooxda Real Madrid inuu doonayo inuu ka tago dalka Spain xagaagaan, wuxuuna ku wargeliyey maamulka sarre ee Los Blancos in go’aankiisa uusan ka laaban doonin. (A Bola).

Jose Mourinho ayaa tilmaamay inuu 100 milyan oo ginni ku qiimeeyo 26 sanno jirka goolka u qabta Manchester United David de Gea iyadoo ninkaan ay xiiso u qabto Real Madrid, wuxuuna u sheegay kooxda heysata horyaalka La Liga inay bixiso 45 milyan oo ginni oo kaash ah iyo Alvaro Morata, oo 24 sanno jir ah, si ay u hesho goolhayaha reer Spain. (Daily Star).

Laakiin Real Madrid ayaa dhankeeda ku wargelisay Man United inay 78 milyan oo ginni ku doonayaan gooldhaliye Morata, inkastoo ay wararku sheegayaan inuu heshiiska shaqsiga ah la meeldhigay Manchester United. (The Independent).

Dhanka kale, garabka Inter Milan Ivan Perisic,  oo 28 sanno jir ah, ayaa wuxuu durba bilaabay qorshe ku aadan noloshii uu geli lahaa markuu noqdo xiddig Manchester United ah. Xaqiiqaduse waxay tahay in labada kooxood Man Utd iyo Inter aysan ka heshiin qiimihiisa lacageed, Inter waxay xiddigaan reer Croatia ku qiimeysaa 44 milyan oo ginni. (Manchester Evening News).

Ka dib markii ay Manchester United dhammeystirtay saxiixa Victor Lindelof, markale ayey ku laaban doontaa kooxda Benfica iyadoo markaan 15 milyan oo ginni ugala soo wareegeysa 23 sanno jirka qadka dhexe Anderson Talisca, kaasoo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah kula soo joogay Besiktas. (Daily Mirror).

27 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Swansea City Gylfi Sigurdsson ayaa wuxuu weli bartilmaameed u yahay Everton inkastoo kooxda Everton ay u dhaqaaqday saxiixa ninka reer Holland Davy Klaassen. (Wales Online).

Liverpool ayaa dooneysa inay 60 milyan oo ginni ka hesho iibka seddax xiddig xagaagaan, waana daafaceeda Mamadou Sakho iyadoo 27 sanno jirkaan ay ku qiimeysay 30 milyan oo ginni, 24 sanno jirka reer Spain Alberto Moreno oo ay ku qiimeysay 12 milyan oo ginni iyo Lazar Markovic oo ay ku qiimeysay 20 milyan oo ginni. (The Times).

Tababaraha cusub ee kooxda Watford Marco Silva ayaa isha ku haya inuu lasoo wareego garabka reer Serbia Markovic, kaasoo uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay kula soo shaqeeyey kooxda Hull City. (The Times).

Arsenal ayaa laga soo diiday dalab 17.6 milyan oo ginni ah oo ay ka gudbisay garabka kooxda Juventus Juan Cuadrado, kooxda difaacaneysa horyaalka Serie A ayaana u sheegtay Gunners inay 30 milyan oo ginni ku rabto xiddigii hore ee kooxda Chelsea. (The Sun).

Gunners ayaa sidoo kale dalab 10.5 milyan oo ginni ah ka gudbisay 28 sanno jirka daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Fenerbahce Simon Kjaer, kaasoo ay sidoo kale doonayaan kooxaha AC Milan iyo Inter Milan. (Turksvoetbal).

Daafaca dambeedka bidix ee kooxda Arsenal Nacho Monreal ayaa wuxuu ka ballan qaaday taageereyaasha Arsenal u ballan qaaday inuu Hector Bellerin kooxda sii joogi doono xilli ciyaareedka soo aadan inkastoo ay xiiso u qabto kooxda Barcelona. (Evening Standard).

West Ham Unoyed ayaa soo afjartay xiisaheedii ay u qabtay 27 sanno jirka daafaca uga ciyaara Manchester United Chris Smalling oo 15 milyan oo ginni lagu qiimeeyo, laakiin Everton, Newcastle iyo West Brom ayaa dhammaantood isha ku haya saxiixa daafaca reer England. (Daily Star).

Weeraryahanka Manchester City Patrick Roberts, oo 20 sanno jir ah, kaasoo 11 gool dhaliyey xilli ciyaareekdii lasoo dhaafay oo uu amaah kula joogay kooxda Celtic ayaa wuxuu haatan wadahadallo kula jiraa kooxda Nice ee dalka Faransiiska si uu heshiis amaah ah ugula biiro. (The Sun).

Tottenham ayaa ka mid ah tiro kooxo ah oo xiiso u qaba saxiixa 22 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Lazio Keita Balde, kaasoo 30 milyan oo ginni ay ku qiimeyso kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A. (Daily Mirror).

Southampton ayaa waresyi la yeelatay tababarihii hore ee kooxda Ajax Frank de Boer iyo macalinkii hore ee Valencia Mauricio Pellegrino si ay ugu bedelaan Claude Puel oo shaqada laga raacdeeyey, kuna darso Isbuuca soo aadan ayaa la filayaa inay magacaabaan macalinkooda cusub. (Daily Telegraph).

Si kastaba ha ahaatee, tababarihii hore ee kooxda Borussia Dortmund Thomas Tuchel ayaa meesha ka saaray inuu qaban doono maamulka kooxda Southampton. (Sky Sports).

Kooxo dhowr ah oo ka ciyaara horyaalka England Premier League, oo ay ka mid ah tahay Newcastle United, ayaa xiriir la sameeyey kooxda Valencia si ay ugala soo wareegaan 27 sanno jirka daafaca ka ciyaara Aymen Abdennour kaasoo 13.1 milyan oo ginni lagu qiimeeyo. (Foot Mercato).

Kooxda Paris St-Germain ayaa waxay soo afjartay raacdadii ay ugu jirtay saxiixa weeraryahanka 27 sanno jirka ah ee kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, iyadoo agaasimaha cusub ee kooxda Antero Henrique uu sheegay in aysan kooxdiisu bixin karin 61da milyan oo ginni ee la duldhigay madaxa xiddigaan. (Goal.com).

Marseille ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato 34 sanno jirka reer France Bacary Sagna, kaasoo beeca xorta ah lagu heli karo ka dib markii ay iska fasaxday kooxda Manchester City. (Daily Mirror).

18 sanno jirka goolka u qabta AC Milan Gianluigi Donnarumma ayaa wuxuu iska diiday dalabkii ugu dambeeyey ee loo soo bandhigay si qandaraaska loogu kordhiyo wuxuuna Isbuucii qaadan lahaa 80 kun oo ginni. Qandaraaskiisa haatan ayaa dhacaya bisha June 2018ka. (La Gazzetta dello Sport).

Arsenal ayaa isku diyaarisay inay weeraryahanka reer France Olivier Giroud, oo 30 sanno jir ah ah, ku darto heshiis kasta oo ay kusoo qaadaneyso 18 sanno jirka AS Monaco Kylian Mbappe ama gooldhaliyaha Lyon Alexandre Lacazette, oo 26 sanno jir ah. (London Evening Standard).

Tababaraha Newcastle Rafael Benitez ayaa isha ku haya inuu dib ula midoobo 30 sanno jirka qadka dhexe Lucas Leiva, kaasoo la aaminsan yahay inay Liverpool ku iibin karto 4 milyan oo ginni. (Northern Echo).

Leave a Reply

Your email address will not be published.