C.ronaldo: “Kama laaban doono go’aankeyga waana ka tegayaa Real Madrid”

C.ronaldo: “Kama laaban doono go’aankeyga waana ka tegayaa Real Madrid”

La yaab iyo amakaak ayay ku noqotay dadka xiiseeya dunida Kubadda cagta markii uu Cristiano Ronaldo ku dhawaaqay inuu isaga tegayo Real Madrid iyo Nolosha Spain oo uu mudo 8 sano ah ku sugnaa.

Hadaba wargeyska Marca oo shalay ilaa iyo hadda arintaan si fiican wax uga qorayay, ayaa daabacay in Ronaldo uu qaar kamid ah saaxiibadiisa xulka qaranka Portugal u sheegay in uusan marnaba ka laaban doonin Go’aanka uu qaatay.

“Waan ka tegayaa Real Madrid, waa mid aan gaaray go’aankan, mana laga yaabo inaan ka laabto” sidaas ayuu Cristiano u sheegay saxiibadiisa xulka.

Cristiano Ronaldo oo hada 32 jir ah ayaa waxaa lagu qiimeeyaa 180 Million waxaana lasoo warinayaa in naadiyada PSG iyo Naadigiisi hore Manchester United kaliya ay yihiin kuwa iibsan kara.

Leave a Reply

Your email address will not be published.