Imisa ayaa lagu heli karaa C.ronaldo hadii uu go’aansaday ka tegista Real Madrid?

Imisa ayaa lagu heli karaa C.ronaldo hadii uu go’aansaday ka tegista Real Madrid?

Wargeyska ugu afka dheer Italy Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in laacibka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo uu kooxaha doonaya ugu kacaya lacag rikoodh jebis ah oo dhan €400m.

“Cristiano wuxuu go’aansaday inuusan dib ugu laabanin Spain maxaa yeelay wuxuu aaminsan yahay in si xun loola dhaqmin oo aan qofina difaacin,” ayuu weriyaha Nuno Luz, oo uu La Gazzetta soo xigayanayo inuu yahay nin arrintan aad wax uga qoray uu u sheegay Radio Marca.

Warkan ayaa waxaa markiiba ku raacay Marca iyo Sky Sports, balse tan ugu darani waxay tahay lacagta lagu heli karo adeegga laacibkan haddiiba uu ka tegayo Madrid wuxuuna warsidaha Talyaanigu sheegayaa inuu ku kici doono qiyaastii €400m marka la isu geeyo lacagta khidmadda ah iyo mushaharkiisa.

Paris Saint-Germain iyo naadigiisii hore ee Manchester United ayaa loo arkaa kuwa safka hore si dabiici ah ugu jira haddiiba uu tegeyo wiilkan lambar 7.

Leave a Reply

Your email address will not be published.