Jeneraal Gebra oo loo magacaabay xil muhiim ah oo ka tirsan IGAD

Jeneraal Gebra oo loo magacaabay xil muhiim ah oo ka tirsan IGAD

Col. Gabre Egziaber oo ah Sarkaal Itoobiyaan oo la shaqeynaayay Urur goboleedka IGAD ,islamarkaana dadka Siyaasadda la socdaa ay sheegaan in uu saameyn ku lahaa Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa loo magacabaay Xil cusub ka dib markii dhawaan laga qaaday Xilkii uu ka hayay Arrimaha Soomaaliya ee IGAD.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa u magacaabay La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD.

Col. Gabre ayaa horay uga tirsanaan jiray Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.