Alshabaab weerar qaaday oo Cashar loo dhigay kadib markii…

Alshabaab weerar qaaday oo Cashar loo dhigay kadib markii…

Wararka naga soo gaaraya Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhig ay leeyihiin ciidanka Dowladda iyo kuwa Jabuuti.

Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Saldhiga ay Magaalada Buulo Barde ku leeyhiin Ciidanka dowladda Somaliya iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ha Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalkaasi,waxaana gabi ahaanba hawada ka maqan Isgaarsiinta Degmada Buulo Barde taasoo adkaysa in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Ciidanka Jabuuti iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Buulo Barde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan,Al-shabaab ayaa laba jibaaray weerarada ay ku qaadayaan Xarumaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.