Chelsea oo £60m ku dalbaneysa Alex Sandro

Chelsea oo £60m ku dalbaneysa Alex Sandro

Sida uu daabacay wargeyska Theguardian ee kazoo baxa UK, Chelsea ayaa £60m ku dalban doonta daafaca bidix ee Juventus Alex Sandro.

Juventus ayaa xidigaan u ogolaan doonta inuu ku biro Chelsea, hadii ay helaan qiimo macquul ah.

Xidigaan reer Brazil ee 26 sano jirka ah ayaa bartilmaameed xoogan u ah Antonio Conte ,kaasoo hada maamula Chelsea.

Sidoo kale kooxaha Manchester City iyo PSG ayaa iyagana ceersanaya saxiixa xidigaan oo 2 sano kahor  £23m Juventus uga soo biiray dhanka FC Porto.

Sidoo kale Conte ayaa £50m ku dalban doona isbuucan burburiyaha reer France iyo kooxda Monaco Teimoue Bakayoko.

Leave a Reply

Your email address will not be published.